Jihaadiyiinta Nusratul islaam Walmuslimiinta oo weerar cagmarin ah kula wareegay saldhig kuyaal dalka Maali (Sawirro).

Sunday May 05, 2024 - 16:11:26
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa weerar cagmarin ah kula wareegay deegaan istiraatiiji ah oo ka dhaca bartamaha wadanka Maali.
Weerarka oo ahaa mid si aad ah loosoo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday saldhig weyn oo ciidanka Maali ay ku lahaayeen deegaanka Jagraabi ee hoostaga gobolka Mopti.

Bayaan sawirro lagu laray oo ay soo saartay mu'asasada Azzallaaqah ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha cadowga kasoo gaaray weerarkan iyo gaadiid ay mujaahidiintu ku qaniimeysteen weerarkii cagmarinta ahaa ee deegaanka Jagraabi.

Sawirrada lagu faafiyay iclaamka rasmiga ah ee jihaadiyiinta waxaa kasoo muuqanayay 8 gaari oo Cabdi Bilayaal ah iyo gaari nuuca gaashaaman ah oo laga qabsaday ciidanka Maali.

Hubka ay dagaalyahannada Nusratul Islaam kusoo furteen camaliyaddii Jigraabi waxaa kamid ah 434 sanduuq oo rasaas ah,qoryaha dhashiikaha ee gaadiidka lagu rakibo iyo tobanaan PKM ah.

Jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa ah jamaacada jihaadiga ugu awoodda mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika waxayna dagaallantaa intabadan dalalka galbeedka Afrika sida Maali,Burkina Faso,Niger,Toogo,Beniin iyo Ivory Coast.

Related Items

Update cookies preferences