Wasiirka Biyaha Itoobiya oo sheegay in ay mashruuc biyood ka hirgelinayaan magaalada Tog-Wajaale.

Wednesday May 08, 2024 - 19:19:17
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Biyaha ee Addis Ababa iyo koox uu hoggaaminayo oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha maamulka Soomaalida ee Itoobiya gumeysato Mustafe Cagjar ayaa tagey magaalada Tog-Wajaale.
Wasiirka ayaa sheegay in ay soo saarayaan biyaha dhulka hoostiisa ah ee magaalo xuduudeedda Wajaale. Wafdiyo ka kala Socday dalalka geeska Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa iyaguna goobta xaadir ku ahaa.

Dhanka kale xubno wasiirro ah oo ka socda maamulka Somaliland ayaa dhankooda ka qaybgelay barnaamijkaas lagu sheegay biyo ballaarinta.

"Maanta Tog-Wajaale waxa jooga wefdiyo ka kala socda Itoobiya, South Sudan, Uganda iyo Djibouti. Maalintii u dambaysay waxaanu joogney Jigjiga taas oo aanu kaga doodnay mashruuca GAFA(Ground Water Access Facility) mashruucan oo dadka ku nool xuduudka noloshooda lagu wanaajinayo”. Ayuu yiri Wasiirka Biyaha Itoobiya.

Dhanka kale waxa hadley Mustafe Cagjar oo ka dhawaajiyey in qorshahan GAFA uu qayb ka yahay mashruuc ballaaran oo laga fulinayo dalalka qaybta ka ah IGAD ee dhanka biyaha. Isla markaana waxa uu sheegay in magaaladu si dhakhso ah biyo u heli doonto.

"Magaalada Tog-Wajaale waxay helaysaa dhawaan saddex bilood gudahood in ay magaaladu ka cabbi doonto”. Mustafe Cagjar.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences