Qulqulka dadka Kenyaanka ah oo kusoo badanaya degmada Dhoobleey [Warbixin].

Thursday May 09, 2024 - 12:01:00
Liibaan Jeexoow
Nicholas Otieno, waa ganacsade ka mid ah nasaarada Kenya ee usoo shaqo doontay magaalada Dhoobleey. Wuxuu madax ka yahay shirkad ka shaqeysa dhismaha oo hadda ku jirta qandaraas lagu dhisayo dabaq ka kooban saddex biyaano.
Wuxuu magaaladan soo galay sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna ka mid yahay boqolaal Kenyaati ah oo sanadihii lasoo dhaafay kusoo qulqulayey halkan oo uu aaminsan yahay in laga helayo fursado shaqo oo ka wanaagsan kuwa laga helo gudaha dalka Kenya.

Isagoo u waramaya wargeyska the Star ayuu sheegay inuu halkan ka sameeyo dhaqaale uu ku maareeyo qoyskiisa ku sugan gudaha Kenya, wuxuuna ganacsatada iyo xoogsatada Kenyaatiga ah ugu gacan haadinayaa inay yimaadaan dhoobleey oo ay ka heli karaan shaqooyin furan.

Inta badan shaqooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaa la wareegay nasaarada Kenyatiga ah sida dhismayaasha, waxbarashada, caafimaadka iyo dukaamada.

Bishii Maarso ee lasoo dhaafay ku dhawaad 10 ruux oo Kenyaati ah oo isugu jira ganacsato iyo baadariyaal ayaa lagu dilay magaalada Dhoobleey kadib howlgal gaar ah oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen magaaladaasi, si loo hor istaago qulqulka nasaarada Kenyaatiga ah ee kusoo xoogeysanaya magaalada.

Walaaca ugu badan ee ay qabaan nasaarada Kenyaatiga ah ee lagu deegaameyey Dhoobleey ayaa ah bixitaanka ciidamada ATMIS ee la filayo dhamaadka sanadkan, waxayna codsanayaan inay dowladooda la timaado qorshe lagu ilaalinayo badqabka magaaladan muhiimka ah ee noqotay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ay ku tashtaan Kenyaatiga.

"Waxaan dooneynaa in aysan naga tagin ATMIS iyo ciidamada Kenya, si aan u sii wadno wada shaqeynta inaga wada dhexeysa” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha maamulka ridada ee ay Kenyaatigu ka dhiseen halkaasi.

Bixitaanka iyo joogitaanka ciidamada ATMIS ayaa ah mid aanan ku xirneen militaryga Kenya, balse waxaa go’aankiisa ugu dambeeya laga sugayo midowga Yurub oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee howlgalkan, kaas oo sheegay in wixii ka dambeeya Dec 2024 uusan howlgalku heli doonin dhaqaalihii lagu socodsiinayey.

Ku dhawaad 3 bilyan oo dollar ayuu midowga Yurub ku qarash gareeyey duullaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007 balse waxaa imika ka go’an inuu soo afjaro taageeradii uu ku bixinayey duullaanka maadama uu noqday howlgalka madhaleys ah oo xaqiijin waayey ahdaaftii laga lahaa.

Related Items

Update cookies preferences