Faah faahin laga helay iska hor'imaad khasaara dhaliyay oo ka dhacay Daarunicma.

Saturday May 11, 2024 - 08:26:38
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad culus oo markale ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Dagaalyahanno aad uhubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar gaadma ah ku qaaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka xilli ay ku sugnaayeen duleedka deegaanka Daarunicma.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari lagu dilay weerarka islamarkaana lagasoo furtay hubkii ay wateen.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii dagaal khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay deegaanka Daarunicma ee hoostaga degmada Ruunnirgood.

Related Items

Update cookies preferences