Weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay oo ka dhacay Baydhabo.

Tuesday May 14, 2024 - 16:51:54
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada jihaadiga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay gobolka Baay ka fuliyay weeraro khasaara dhimasho iyo dhaawac leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in laba weerar oo ka dhacay gudaha magaaladaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ciidamo hubaysan.

Weerarka koowaad oo ka dhacay koontaroolka Baar Bakiin waxaa ku dhintay 1 askari halka 2 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Weerar kale oo isna ka dhacay halka loo yaqaan Boonkaay ee magaalada Baydhabo waxaa ku dhaawacmay 1 askari, habeen hore ayay aheyd markii qaraxyo ka dhacay Baydhabo lagu burburiyay guryo ay deganaayeen masu'uulyiin horay uga tirsanaa maamulka dabadhilifka Koonfur Galbeed.

Related Items

Update cookies preferences