Duqeymo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay iskuul kuyaal gobolka Amhara.

Thursday May 16, 2024 - 17:24:46
Liibaan Jeexoow
Wadanka Itoobiya waxaa weli kasii socda xasuuqa ay isku geysanayaan dhinacyada isku hayo talada wadankaasi.
Wararka ka imaanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in duqeyn ay dad badan ku dhinteen ay ka dhacday deegaan katirsan ismaamulka Amhara halkaas oo dad badan lagu laayay.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ah ayaa dhowr gantaal lahelay iskuul hoose oo kuyaal mandiqadda Waqooyiga Shewa ee ismaamulka Amxaarada.

Diyaaradaha Drones-ka ee dowladda Turkiga farsameyso ayaa la xaqiijiyay in ay dileen ugu yaraan 4 qof oo ubadan carruur halka ay ku dhaawameen dad kale.

Maamulaha iskuulka Gulo oo ah goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay si ulakac ah ubeegsadaan arday kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada isagoo falkaasi cambaareeyay.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa qiyaastii 20Km ujirta magaalada Shewa Robit, mas'uul uhadlay jabhadda mucaaradka Faano ayaa cambaareeyay weerarkan waxayna ku eedeeyeen Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences