Kolonyo kusii jeedday Balidoogle oo wadada loo galay iyo weerar ka dhacay garoonka Waajid.

Sunday May 19, 2024 - 12:08:24
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahanno ka tirsan Mintidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Sh/hoose ayaa weerar xooggan oo dhabba-gal ah u dhigay kolonyo maleeshiyaadka dowladda oo sahay u waday saldhiga ciidamada Mareykanka ee Billi-doogle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarkan kamiinka ah oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah kaga dhacay waddada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wallan-weyn, waxaana inta la xaqiijiyay lagu gubaey hal gaari oo nooca raaxad ah.

Saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamo katirsan Al Shabaab ay weeraro toos ah ku mireen saldhigyada ciidamada Afikaanta ATMIS gaar ahaan kuwa Yugaandha ay ku leeyihiin degaanka Danow ee gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidanka Xabashida Itoobiya ee kuyaal garoonka diyaaradaha degmada Waajid.

Related Items

Update cookies preferences