Howlgal askar lagu dilay oo ka dhacay Yaaqbariweyne iyo warar kale.

Wednesday May 22, 2024 - 15:48:41
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka kaasi oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Wanllaweyn ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 katirsan maleeshiyaadka dowladda oo mooryaan ah lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Yaaqbariweyne.

Ciidamada xisbada wilaayada Islaamiga Sh/hoose ayaa la xaqiijiyay in ay askarta ladilay kasoo furteen illaa 2 qori AK47 ah.

Sidoo kale weeraro culus ayaa xalay lagu miray saldhigyada ciidamada shisheeyaha ATMIS ay ku leeyihiin deegaannada Buur Coloow iyo Laanta Buuro oo dhaca duleedyada Afgooye iyo Baraawe.

Related Items

Update cookies preferences