Dagaallo 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay duleedyada Ceeldheer iyo Masagawaay.

Saturday May 25, 2024 - 17:32:46
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaallo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Maraa Suuleey ee duleedka degmada Masagawaay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidanka dowladda.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii galabta ay ciidanka Al Shabaab soo furteen 6 qori AK47 ah.

Dhinaca kale ciidamada wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay maleeshiyaad katirsan dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeeysa degmada Ceeldheer iyo deegaanka Masagawaay.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay 1 askari oo oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Xasan Feyleey, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada wilaayada Islaamiga ay askariga ladilay ka furteen qori AK47 ah

Related Items

Update cookies preferences