Dagaalyahannada Al Shabaab weerar ku miray saldhigga ciidanka Itoobiya ee deegaanka Halgan.

Monday May 27, 2024 - 11:51:40
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya yaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya.
Xalay fiidkii ayay dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee deegaanka Halgan bariga Hiiraan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka hubka ay is dhaafsanayeen labada dhinac, ciidamada Xabashida ee ku sugan bariga Hiiraan ayaa bilihii lasoo dhaafay weeraro isdaba joog ah kala kulmayay dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin

Related Items

Update cookies preferences