deg deg: Ciidanka Al Shabaab oo weerar cagmarin ah kula wareegay degmada Ceeldheer.

Saturday June 08, 2024 - 07:42:45
Liibaan Jeexoow
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka aroortii hore weeraro culus kula jarmaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku lahaayeen deegaan katirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Ceeldheer ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay dagaal saacado badan qaatay kadib lawareegeen gacan ku heynta degmada Ceeldheer iyo 4 saldhig oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka dowladda.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay soo afjareen illaa 4 saldhig oo ay ku sugnaayeen ku dhowaad 1,200 oo askari.

wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items

Update cookies preferences