Sawirro:Guryo iyo Gooba Ganacsi oo Ku Gubtay Dagaalladii Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Sunday November 29, 2015 - 11:21:31
Super Admin
Xaalad deganaan ah oo aan caga adag ku taagnayn ayaa kajirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib dagaallo khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay.


Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in wax dagaal ah aysan kajirin magaalada balse maleeshiyaadka maamullada Galmudug iyo Puntland ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.

Goob jooge ku sugan waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in saaka aroortii hore ay maqleen rasaas teel teel ah oo dhinacyadu is dhaafsanayeen balse aysan jirin wax dagaallo ah oo dhinacyada dhaxmaraya.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada ayaa khasaara daran u geystay dadka shacabka ah,qoryaha Zuugga loo yaqaan oo ay is dhaafsanayeen labada maleeshiyo ayaa sababay gubashada gooba ganacsi.

Sawirro lagasoo qaaday Gaalkacyo ayaa muujinaya in saameynta daran ee dagaalladu ay ku yeesheen goobaha ganacsiga iyo guryo shacab deganyahay.

http://wata.cc/up/2015/10/images/w-34fddaaef7.jpg
http://wata.cc/up/2015/10/images/w-d58beaedc5.jpg
http://wata.cc/up/2015/10/images/w-e4af032d76.jpg
http://wata.cc/up/2015/10/images/w-a626220d46.jpg
http://wata.cc/up/2015/10/images/w-da37a68120.jpg
http://wata.cc/up/2015/10/images/w-116ffdb54c.jpg

Related Items

Update cookies preferences