Sawirro: Magaalada Ceelbuur oo Haawaneysa,Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Dameeraha Weheshanaya!.

Thursday December 17, 2015 - 12:21:51
Super Admin
Sawirro laga soo qaaday magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa muujinaya magaaladaa oo haawneysa, kadib markii ku dhawaa laba sano ka hor ay ka barakaceen shacabkii daganaa magaaladaasi.


Ciidamada Xabashida iyo tiro yar oo Maleeshiyaad Soomaali ah ayaa ku sugan magaalada, mana jirto haba yaraatee wax nolol ah oo magaalada ka jirta, waxaana dadkii magaalada Ceelbuur daganaa ay u barakaceen tuulooyinka iyo deegaanada ku dhow dhow magaalada oo ay maamulaan Mujahidiinta.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa wehel ka dhigtay dameeraha usoo daaq doonta barxadaha biya fadhiisadka ah ee ku hareeraysan degmada Ceelbuur.

26-3-2014 ayay aheyd markii ciidamada Xabashida Itoobiya ay duullaan ku qabsadeen Ceelbuur wixii xiligaasi ka dambeeyay ayay magaaladu la kulmaysay go'doomin raagtay iyadoona shabaabul Mujaahidiin ay weeraro jidgal ah u dhigaan ciidanka Itoobiya marwalba oo ay sahay ka keensanayaan dhanka Dhuusamareeb.






 


Related Items

Update cookies preferences