Markii ugu horraysay xukuumadda Pakistan ayaa ka hadashay wararka sheegaya in ay saldhig melleteri siin doonto dowladda Mareykanka marka ay ciidamada American-ka ah isaga baxaan dalka Afghanistan.
Dilalka ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa sare usii kacay xilli ay cadaadiskii ugu darnaa abid wajahayaan Soomaaliya ku ganacsada Afrika.
Mas'uul sare oo katirsan Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in saraakiil Itoobiyaan ay u xaqiijiyeen in ay qorshaynayaan xasuuq wadareed ka dhan ah qowmiyadda Tigreega.
Xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Guantanamo Bay ayaa lagasii daayay maxaabiis muslimiin ah oo muddo tobanaan sana ah halkaas si gardarra ah ugu xirnaa.
Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar lagu qaaday kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha reergalbeedka ah ee wadankaas duullaanka ku jooga.
Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in sodomeeyo kamid ah ciidamadeeda ku sugan dalka Lithuania ay lasoo baxayso kadib markii ay fadeexadi ku habsatay.
Kulan ay shalay magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayay uga hadleen khilaafka ka taagan biya xireenka ay Itoobiya ka dhisayso webiga Niil.
Taliyaha ciidanka dhexe ee dowladda Mareykanka ayaa ka shanqariyay kaalinta ay ku lahaan doonaan dagaalka Afghanistan kadib marka uu dhammeystirmo howlgalka bixitaanka ciidanka American-ka ah.
Magaalada Mombasa ee kamid ah dhulka ay Muslimiintu leeyihiin ee ay heysato dowladda Kenya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo murugo badan, kadib markii gabar soomaaliyeed oo aad loo jirdiley lasoo dhigay goob gudaafad ah.
Dalka Hindiya ayaa laga diiwaangeliyay dhimashadii ugu badneed ee ka dhalatay Corona Virus maalin qura arrinkaas oo ka dhigaya in dalkan uu yahay ugu daran ee caabuqan ladhiban.