Abiy Axmed oo ku dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashooyinkii Itoobiya ka dhacay.

Sunday July 11, 2021 - 08:43:26
Liibaan Jeexoow
Guddiga doorashooyinka wadanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee dhacay bishii lasoo dhaafay.


Sidii lafilayay waxaa doorashada ku guulaystay xisbiga talada haya ee uu madaxda u yahay Abiy Axmed.

Sida ku cad natiijada kasoo baxday guddiga doorashada xisbiga lagu magacaabo Barwaaqada ee loosoo gaabiyo PP ayaa helay 421 kursi oo asal ka ahaa 436 kursi taasi oo ka dhigan in dowladdu si aad ah ugu shubatay doorashooyinkii baarlamaanka.

R/wasaare Abiy oo ka hadlay natiijada soo baxday ayaa ku sifeeyay guul taariikhi ah oo uu gaaray xisbigiis, dhammaan kooxaha mucaaradka ayaa qaadacay doorashadii dhowaan dhacday waxayna ku tilmaameen riwaayad ay xukuumadda Addis Ababa ku sii dheeraysanayso xarigga dhanka maamulka ah.

Labada xisbi ee ugu weyb qowmiyadda Oromada ayaa isbuucii lasoo dhaafay iclaamiyay in aysan jirin doorasho sax ah oo Itoobiya ka dhacday waxayna dhismeen xukuumad madax banaan oo mucaaradsan dowladda Itoobiya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences