80 ruux oo ku dhintay roobab dabayllo wata oo ku dhuftay dalka Jarmalka.

Thursday July 15, 2021 - 18:31:10
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Jarmalka ayaa sheegaya in labaatameeyo qof ay dhinteen halka tobanaan kale lala'yahay kadib markii ay wadankasi ku dhufteen roobab daadad wata.


Mas'uuliyiin ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo dabeyllo wata ay ku dhufteen gobolka Westphalia ee dhaca galbeedka Jarmalka waxayna roobabkaas ay geysteen khasaara lixaad leh.

Ugu yaraan 80 ruux ayaa laxaqiijiyay in ay dhinteen waxaana lala'yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen tobanaan ruux oo loo badinayo in ay qaadeen daadadka ka dhashay roobabka.

Saraakiisha guddiga gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in saaka ay soo heleen meydadka 10 ruux oo ku dhintay roobabka waxaana wali socda baadi goob xooggan oo loogu jiro sidii loo heli dadka maqan.

Degmada Shoolid ee dhacda Koonfurta magaalada Boon ayay musiibada ugu daran ka jirtaa kadib markii uu fatahaad ballaaran sameeyay webiga, dhowr guri ayay biyahuhu la tageen.

Afhayeen uhadlay booliska Jarmalka ayaa xaqiijiyay in dadka lala'yahay ay ka badanyihiin 70 ruux waxaana loo badinayaa in ay dhinteen.

Ciidamo wata diyaaradaha qumaariga u kaca ayaa lagu arkayaa gobolka Westphalia halkaas oo ay ka baadi goobayaan dadka maqan, tuulooyinka qaar ayaa go'doon galay waxaana dadka cuntada looga tuurayaa diyaarado.

Waa roobabkii ugu xoogganaa ee ka da'a dalka Jarmalka muddo 20 sano gudahood ah.

Related Items

Update cookies preferences