Maxaad ka ogtahay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa?

Tuesday August 03, 2021 - 13:21:28
Liibaan Jeexoow
Maalmahan waxay qeylla dhaan kasoo yeeraysaa bulshada magaalada Hargeysa kadib markii halkaas laga yagleelay xarun lagu fasahaadinayo ragga iyo dumarka hadaba akhriso warbixintan soo socota.


Intii gumeystuhu joogay geyiga soomaaliyeed ayaa waxa la sheegay in nin kamid ahaa qolyihii aadka ugu janjeedhay gumeystaha uu gaalnimadii uga hormarey kufaartii asalka ahayd, waxa uu dooney in la xidho dugsiyadii quraanka laakiin gumaystihii waxa uu istusay haddii madarasad la xidho in aad loogu kici karo, waxa uuna yidhi madarasadaha hala daayo waliba aynu bixinno kharashka ku bixi doona. Kolkii arrintaas la ogaadey buu oday caammada kamid ahaa yidhi "Yaa islahaa dugsi quraan baa gaalo u darsan doona?!” Dabcan iyaga arxan kama ay ahayn ee dantooda ayay ka fakirayeen.
Iyaba waa tabaalaha wakhtiga, taynu aragnaa... akhristow ma is lahayd, dhaqan xumo ay gaaladii waawaynayd qaarkood diideen baa ummad muslim ahi keensan doonaan?.

Gugii 2015 ayaa meesha layidhaa Xarunta dhaqanka ee Hargeysa waxa lagu casuumay habar u ololaysa khaniisnimada iyo edebdarrada anshaxa baalmarsan. Habartii waxa ay dhexbooddey dhallintii reer Hargeysa taas oo dad badani aad uga gilgishay masaajiddo badanna lagaga hadlay, balse maamulka meeshaas ka jiraa waxba kama odhan, habartan oo magaceeda layidhaa Judi kelly ayaa mar sii horraysay sheegtay in ay leedahay inan 27jir ah isla markaasna ah khaniisad, intaas waxa ay raacisay in ay ku faraxsan tahay in gabdheedu noqoto khaniisad.

Tukaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Haddana gugii 2019 bishiisii 7aad ayaa la keenay khaniis kale oo layidhaa Donald Molosi una ololeeya in dadka isku jinsiga ahi is faro-xumayn karaan! Markii wax laga waydiiyey gudoomiyaha xaruntaas oo layidhaa Jaamac waxa uu ku jawaabay "Annagu waxaan xoogga saarnaa waxa ay soo bandhigayaan...wuxu noo keenay buug iyo filim, buuggiisa waanu akhrinay, filimkiisuna xiiso ayuu lahaa wuxu ka hadlayay taariikhda Bootiswaana oo ay is shabahaan taariikhda Soomaalilaan”.

Donald Molosi waxa uu u dhashey waddanka Bootiswaana oo la sheegay markii hore in khaniisnimadu mamnuuc ka ahayd balse uu isagu noqday dadkii u ololeeyay kuna guulaystay in ay meelmariyaan. Qoraal uu mar soo dhigay tuwiitarkiisa ayaa u dhignaa sidan "Today Botswana high court decides wether same-sex relationships can be allowed. Lets watch closely and make sure that homophobia is removed from our laws.” Maanta wax ay maxkamadda sare ee Bootiswaana go’aansatey in xidhiidhka dadka isku jinsiga ah la ogol yahay, aynu si dhaw ula soconno sidoo kalena hubsanno in cabsidii laga qabay khaniisnimada laga saaray shuruucdeenna.”

Tukaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Jaamac Muuse Jaamac oo ah ninka xaruntan aas aasey waxa meeshaas uu maamulo lagu soo bandhigey edebdarro kale oo boog madow ku ah dhaqankeenna, waa wax ay u bixiyeen "Xuska maalinta caadada haweenka” waxa barnaamijkaasi ahaa mid hablaha soomaaliyeed ee xishoodka iyo dhaqanka leh looga qaadayo sarriigashadii ay dhaqanka u lahaayeen.

Xaruntani intaas oo keliya kuma caan bixin ee waxa sannad walba lagu qabtaa mashruuc hadimmo maydhan ah oo ay u bixiyeen "Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta” kaas oo lagu casuumo dalal kala duwan, sannadkan waxa lagu martiqaadey itoobiya oo cadaw soo jireen ah ku ah Soomaalida, waxaana halkudheggiisu ahaa "Jaarnimo”. Waxa joogey ergayga midowga yurub ee Nicolas berlanga. Xaruntani waxay gashaa heshiisyo caalami ah waxaana lagu fuliyaa mashaariic dhaqan-biisnimo ah, haddii aan laga gilgilanna meelkasta oo soomaaliyi degto way ku faafi doontaa waayo dadka soomaaliyeed waa qoys salli ku wada fadhiya.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi

Related Items

Update cookies preferences