Saraakiil katirsan Melleteriga Yemen oo lagu dilay gobolka Ma'rib.

Tuesday August 03, 2021 - 18:08:48
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen deegaanno dhaca waqooyi bari wadankaasi.


Saraakiil sarsare oo katirsan ciidamada xukuumadda Yeman ayaa ku dhintay iska hor'imaadyo ka socda gobolka Ma'rib sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda taakta daran.

wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in dagaal shalay dhacay lagu dilay sarreeye guuto Cabdilwaaxid Dookro oo ahaa madaxii guutada ilaalada waddooyinka waxaa sidoo kale ladilay jeneraal melleteri.

waxaa lasheegay in saraakiishan ay dhinteen kadib weerar culus oo ay kusoo qaadeen maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo isku dayaye in ay boob ka geysteen wadada isku xirta gobollada Ma'rib iyo Xadramuut.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedyo hubaysan oo gacan saar laleh Xuuthiyiinta ay isku aruursadeen mandiqadda alcarqiin ee bariga Ma'rib kadibna ay weerar dhabbagal ah udhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada xukuumadda Cabdi Rabih Haadi Mansuur.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa gobolkan hodonka ku ah saliidda ee Ma'rib ka dhacayay dagaallo culus oo uhaxeeyay wakiillada iiraan iyo maleeshiyaadka dowladda.

Related Items

Update cookies preferences