Gobolka Ghazni oo ka baxay gacanta xukuumadda Afghanistan iyo Warar kale.

Thursday August 12, 2021 - 09:55:08
Liibaan Jeexoow
Sidii tusbax go'ay oo kale ayay usii kala furfuranayaan ciidamada xukuumadda dabadhilifka Afghanistan xilli Jihaadiyiinta Taliban ay wadanka lawareegayaan.


Saaka aroortii hore ayay ciidamada Imaarada islaamiga ah si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Ghazni ee Istiraatiijiga ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka Taliban ayaa lagu sheegay in ciidamada 'Mujaahidiinta' ay dagaal maalmo qaatay kadib ay xalay qabsadeen dhammaan xarumaha maamulka iyo saldhigyadii ciidanka magaalada Ghazni.

Gobolkan ayaa dhaca Koonfur Bari wadanka Afghanistan waxayna udhaxaysaa Qandahaar iyo Kaabuul, Ghazni waxaa marta wadada laamiga ah ee loo yaqaan (1), la wareegidda Taliban ee gobolkan wuxuu ka dhiganyahay in ay soo dhowaatay qabsashada magaalada Qandahaar oo ah caasimadda 2aad ee dalka.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay ciidamada Taliban oo la wareegaya magaalada, guddoomiyihii gobolka iyo ku xigeenkiisa ayaa ubaxsaday dhanka Kaabuul halka boqolaal askari ay isdhiibeen.

Waa gobolkii 11aad oo isbuuc gudihiis ku dhacay gacanta Taliban, gobollada muhiimka ah ee gacanta xukuumadda camiilka ah ka baxay waxaa kamida Qunduuz oo uu kuyaal garoon diyaaradeed caalami ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences