Jihaadiyiinta Maali oo lacag madax furasho ah kusii daayay Haweenay Kirishtaan ah.

Sunday October 10, 2021 - 17:30:21
Liibaan Jeexoow
Wararka imaanaya dalka Maali ayaa sheegaya in lasii daayay haweenay Ajnabi ah oo in mudda ah u afduubeen xoogag jihaadi ah.


Xukuumadda Maali ayaa sheegtay in ay la wareegtay haweenay udhalatay dalka Kolombiya taasi oo ku dhowaad 5 sano gacanta ugu jirtay Jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin ee ku xiran Al Qaacidda.

Telefeshinka dowladda ayaa baahiyay muuqaalka Gloria Cecilia oo hareer fadhida madaxweynaha wadankaasi, haweenaydan oo warbaahinta lahadashay ayaa sheegtay in ay caafimaad qabto islamarkaana ay si wanaagsan ula dhaqmeen kooxihii afduunka ku haystay.

Xoogag jihaadi ah ayaa sanaddii 2017 xuduud beenaadka ay wadaagaan Maali iyo Burkina Faso ka qafaashay Gloria Cecilia oo aheyd Nasraaniyad muslimiinta gaalaysiinaysay.

Baadariga guud ee Kaniisadda Faatikaanka ayaa magaalada Roma kusoo dhoweeyay maxbuusaddan lasii daayay, warbaahinta reergalbeedka ayaa sheegaysa in maxbuusaddan laga bixiyay lacago madax furasho malaayiin dollar ah  balse lama sheegin cadadka saxda ah ee lacagta la bixiyay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences