Midowga Afrika oo Walaac ka muujiyay Ammaanka Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalka AMISOM [Warbixin].

Monday October 11, 2021 - 20:24:31
Liibaan Jeexoow
kadib kulan ay yeesheen golaha ammaanka iyo nabad gelyada ururka Midowga Afrika ayay walaac uga muujiyeen xaaladda ammaan iyo midda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.


Kulanka oo ay isugu yimideen dhammaan xubnaha golaha ayaa diiradda lagu saarayay mustaqbalka ciidamada soo duulayaasha AMISOM kuwaas oo waqtiga joogitaankooda Soomaaliya uu sii dhammaanayo.

Ugu horrayan Golaha ammaanka iyo Nabad gelyada AU ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya R/wasaare Rooble iyo Farmaajo kuwaas oo isku haysta awoodda maamul ee DF-ka.

Goluhu wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo xalliyo khilaafka udhaxeeya labada xafiis ee ugu sarrasa dalka, sidoo kale Ururka Midowga Afrika ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dib udhaca ku yimid doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga oo aan ku dhicin waqtigii loo asteeyay.

"Goluhu wuxuu walaac ballaaran ka muujinayaa xaaladda amni ee ka jirta dalka Soomaaliya iyo dhaq dhaqaaqa ay sameynayso kooxda Argagaxisada ah ee alshabaab" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Bayaanka kasoo baxay Midowga Afrika oo ka koobnaa illaa 19 qodob ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaana Q.Midoobay looga codsaday in howlgalkan ay ubedelaan midka UN-ka haddii kale lasoo gaba gabeeyo dabayaaqada sanaddan 2021.

Golaha ammaanka iyo nabad gelyada Midowga Afrika ayaa Xoghayaha guud ee Q.Midoobay uqabtay in muddo 6 isbuuc ah uu ugasoo jawaabo dalabkooda ah in labedelo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ama waqti dheeraad ah loogu daro.

DF-ka ayaa horay ugasoo horjeesatay dalabka AU ee ah in howlgalka AMISOM loo bedelo mid UN ah kaasi oo aan wax waqti ah laheyn.

Marka lagaaro 31 December 2021 waxaa soo gaba gaboobaya howlgalkii ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kaasi oo aan xaqiijin hadafkiisi, dowladaha reergalbeedka gaar ahaan kuwa Yurub ayaa iyana joojin doono dhammaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen duullaanka melleteri ee Soomaaliya.

Dowladaha Afrikaanta ayaa doonaya in waqtiga loo kordhiyo ciidamadooda si ay lacag dheeraad ah uga helaan waxa loogu yeero Q.Midoobay.

Dad badan ayaa aaminsan in haddii ay ciidamada shisheeye isaga baxaan dalka ay awoodda jihaadiga ah talada la wareegi doonto islamarkaana Soomaaliya ay ka dhici doonaan wax lamid ah wixii Afghanistan ka dhacay.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences