Diyaarado duqeymo ba'an u geystay magaalada Maqalla ee gobolka Tigray.

Monday October 18, 2021 - 17:34:15
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in duqeymo culus lagu qaaday magaalada caasimadda u ah ismaamulka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.


Diyaaradaha dagaalka xukuumadda Abiy Axmed ayaa duqeymo aan loo meel dayin ku qaaday xaafado iyo suuqyo kuyaal magaalada Maqalle waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadka Tigreega ah.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraduhu ay beegsadeen suuq shacbi iyo dhowr xaafadood oo dhammaantood katirsan magaalada Maqalla.

Afhayeen uhadlay kooxda TPLF ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in Maqalle ay lakulantay duqeymo indho laaan ah isagoo maamulka Abiy Axmed ku eedeeyay in guuldarradii ciidamadiisa lagu gaarsiiyay gobollada Amhara iyo Cafar uu ka aargoosanayo dadka shacabka ah.

Dhinaca kale xukuumadda Addis Ababa ayaa iska fogeysay in ciidamadeedu ay ku lug lahaayeen duqeymihii ka dhacay Maqalla, diblumaasiyiin iyo shaqaale katirsan hayadaha UN-ka ayaa xaqiijiyay in diyaarado dagaal ay duqeymo xagga cirka ah ka geysteen magaalada Maqalla.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences