Saldhig ay ciidanka Mareykanka ku leeyihiin Suuriya oo diyaarado Drone ah lagu duqeeyay.

Thursday October 21, 2021 - 13:45:19
Liibaan Jeexoow
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerar xagga cirka ah uu lakulmay mid kamida saldhigyada ciidamadooda ee dalka Suuriya.


Diyaarado nuucoodu yahay kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo ba'an ku beegsaday saldhigga ciidanka Mareykanka Al Tanaf oo kuyaal xuduudda Suuriya iyo Urdun.

Sarkaal American ah ayaa warbaahinta usheegay in ciidamadooda lagu weeraray gantaallo iyo bambaanooyin aan toos aheyn, wuxuu diiday in uu si hordhac ah usheego khasaaraha ka dhashay duqeymihii xalay.

Wariyaal ku sugan Suuriya ayaa aaminsan in duqeyntan ay geysteen diyaarado ay leedahay dowladda Shiicada Iiraan, tan iyo markii uu Biden lawareegay talada maamulka Mareykanka ayuu qaaday weeraro ka dhan ah masaalixda Iiraan ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences