SAWIRRO: Xaflad XarigGa Looga Jarayey Isbitaalka Degmada Jilib oo Lagu Qabtay Degmadaasi.

Monday June 27, 2022 - 20:43:49
MeMO Staff
Munaasabad si heersare loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey isbitaal weyn oo laga hirgeliyey degmada jilib ayaa lagu qabtay gudaha degmadaasi, taas oo ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.
Isbitaalkan oo bixin doono adeegyo caafimaad ah oo muhiim ah, loona soo xulay qalab iyo dhaqaatiir ku filan ayaa in muddo ah lagu howlanaa diyaarintiisa, waxaana ugu dambeyntii xafladii lagu daahfurayey ay dhacday Jimcihii lasoo dhaafay.

Agaasimaha isbitaalka ayaa xafladda ka jeediyey khudbad muhiim ah, kaas oo ka warbixiyey isbitaalka iyo adeegyada uu bixin doono, isagoona fariimo muhiim ah u jeediyey bulshada.


Dr Xanafi oo ka mid ahaa marti sharafkii kasoo qeybgalay xafladda ayaa isna goobta ka jeediyey khudbad muhiim ah, waxaana uu dardaarano muhiim ah u jeediyey howl wadeenada caafimaad ee ka howgali doono isbitaalkaas, kuwas oo uu siiyey talooyin muhiim ah.

Mas'uuliyiinta kasoo qeybgalay xafladda lagu daahfurayey isbitaalka guud ee degmada Jilib waxaa ka mid ahaa waaliga Jubooyinka, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, kaas oo fariimo muhiim ah u jeediyey bulshada iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed, uguna baaqay inay ka qeyb qaataan dadaalada lagu daboolayo baahidooda caafimaad.

Sheeykh Abuu Cabdalla ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku lahayd dhismaha isbitaalka iyo cidda uu hadda u adeegi doono isbitaalkaasi, isagoo ugu dambeyntiina furayaasha isbitaalka ku wareejiyey gole ay iska soo xuleen dadka deegaanka oo lagu wareejiyey mas'uuliyada isbitaalkaasi.


Isbitaalkan ayaa mid aad u ballaaran oo si heersare ah loo qalabeeyey islamarkaana la filayo inuu daboolo baahida caafimaad ee deegaanada gobolada Jubooyinka iyo nawaaxigeeda, halkaas oo ay ku nool yihiin malaayiin dad ah oo dareemaya baahiyo caafimaad.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

Related Items

Update cookies preferences