DEG DEG: Al-Shabaab oo weerar aroornimo cagta ku mariyey saddex saldhig oo ku yaalla Duleedka Buulaburde

Wednesday October 12, 2022 - 07:08:09
MeMO Staff
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay gabi ahaan cagta mariyeen saddex kamid ah xeryaha ciidamada dawlada iyo maleeshiyada macawiislayda ee duleedka degmada Buulaburde.
Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay saldhiga ciidamada dawladu ku leeyihiin deegaanka Yasooman halkaas oo ay ciidamada Al-Shabaab ku weerareen cagtana ku mariyeen ciidamada DF. Dagaalka labaad ayay ciidamada Al-Shabaab sidoo kale cagta ku mariyeen xeradii maleeshiyada macawiislayda ee deegaanka Yasooman oo qiyaastoo 30km u jira degmada Buulaburde.

Dagaalka sadexdaad ayaa ka dhaday deegaanka Beera-Yabaal ee duleedka Buulburde kadib markii ciidamada Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhiga ciidamada DF iyo Macawiislayda ee deegaanka.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa cagta mariyay ciidamadii DF iyo Maleeshiyada macawiislayda, waxaana ay Ciidamada Al-Shabaab ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Beera-Yabaal.

War kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Xarakadu ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal. Waxaa hadalka kasoo baxay Al-Shabaab sidoo kale lagu sheegay in dhimasho iyo dhaawac farabadan la gaarsiiyay ciidamada huwanta ah, isla markaana uu jiro gaadiid dagaal oo ay ciidamada Al-Shabaab gacanta ku dhigeen.

Wixii kusoo kordha kala soco SomaliMemo.

Related Items

Update cookies preferences