Xasan Sheekh sidee u arkaa dib udhaca ku yimid dagaalkii uu ku iclaamiyay Al Shabaab?

Wednesday November 16, 2022 - 13:26:04
Liibaan Jeexoow
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ka duwan sidii hore uga hadlay dagaalka uu ku iclaamiyay wilaayaatka Islaamiga ah ee Shareecada Islaamka lagu maamulo.
Kadib 3 bilood oo uu gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya ka socday duullaan cirka iyo dhulka ah ayuu Xasan Gurguurte muujiyay wax u eg quus.

isagoo ka hor hadlayay xildhibaannada baarlamaanka labadiisa gole ayuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada, Xasan kama muuqan xamaasaddii hore wax lamid ah ee wuxuu umuuqday nin daallan oo aan ladhacsanayn dib udhaca ku yimid dagaalkii uu isagu iclaamiyay.

"Maanta dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn, Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta.ayuu yiri Xasan Sheekh.

Bilo ka hor ayuu madaxweynuhu ku goodinayay in ay soo afjarayaan oo ay dhabarka ka jebinayaan Al Shabaab,Xasan Sheekh wuxuu sheegi jiray in ay ucaddahay wadada guusha ee ay Jihaadiyiinta ku burburinayaan balse hadalkiisi shalay wuxuu ka muuqday laba labayn huggaam ku jiro.

Hadalka hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda oo ay taageerayaan diyaaradaha Mareykanka ay dib ugasoo gurteen dhul ballaaran oo katirsan gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Sh/dhexe.

Kaartada dagaal ee Al Shabaab ay ku wajahayso isbahaysiga Shareeca ladirirka ah ayaa larumeysanyahay in ay naafeysay dagaalkii uu iclaamiyay Xasan Sheekh.

Falanaqeeyaasha ayaa aaminsan in dagaalka oo waqtigiisu sii dheeraado ay dhabar jab weyn ku noqon doonto DF-ka iyo xulufadeeda shisheeye halka Jihaadiyiinta oo uusan waqti ku socan ay guul ku xaqiijin karaan.

Related Items

Update cookies preferences