Warbaahinta Madaxa Banaan oo Walaac ka Muujisay Go'aankii Dawladda iyo Caburinta lagu haayo madaxda Ururka SJS.

Sunday November 20, 2022 - 09:06:00
MeMO Staff
Hay'ad u dooda xuquuqda suxufuyiinta Soomaaliyeed ee madaxa banaan ayaa sheegtay in dowladdu ay cadaadis ku hayso mid kamid ah madaxda hay'adda.
Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee loosoo gaabiyo SJS ayaa bishii aynu soo dhaafnay ee Oktoobar gudeheeda waxaa la xiray Laba jeer laakin hadda waa mid damaanad ku jooga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Arinka ninka loo haysto ayaa ah in uruurkiisa uu baahiyey warar badan oo qalqal galiyey bulshada Soomaaliyeed laguna duray DFS sida ay ku doodayaan saraakiisha booliska dowladda caburinta ku haya ragga wararka fidiya.

Falkan lagula kacay Cabdalle ayaa ka careysiiyey qaybaha kala duwan ee ururuka, iyagoo marar badan arrinkan ka sameeyey isku soo baxyo ay ku dalbanayaan in dowladu ay ka qaado wariyaasha madaxa banaan cadaadiska.

DFS ayaa 8 Oktoobar 2022 soo saartay qaraar xadidaya shaqada saxafiyiinta madaxa banaan, waxaana kamid ahaa hadallada warqada lagu xusay" in wariye waliba oo Soomaaliyeed islamarkaana madax banaan uusan tabin karin wax war ah oo la xiriira ururka Al-Shabaab".

Dowladda oo madaxda ka yahay Xasan oo la jadbeysan dagaalka ay kula jirto jihaadiyiinta ugu awoodda badan qaaradda Afrika ayaa isku dayaysa in ay bulshada afka qabato islamarkaan ay iyadu warar hal dhinac ah kasii dayso warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyagana dhankooda soo saaray bayaan liddi ku ah midkii kasoo baxay DFS kaas oo wariyaasha ku dhiiragalinaya ine shaqadooda ay wataan aysan u eexan dhinac gaar ah.

Dawlada Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in dagaal dhinac waliba ah ay la galayso Al-Shabaab taasi ayaana caqabad ku noqotay habsami usocdka warbaahinta Soomaalida, horay ayeyna dawlada waxay warbaahinta uga mamnucday isticmaalka magaca Al Shabaab balse kuma guuleysan oo madaxdeeda ayaa fagaarayaasha lataagan magaca Alshabaab.

Related Items

Update cookies preferences