Dhageyso: Rag Basaasnimo lagu helay oo lagu toogtay deegaan katirsan gobolka Gedo.

Monday June 26, 2023 - 10:20:54
Liibaan Jeexoow
Markale Al Shabaab ayaa toogasho ku dilay koox jawaasiis ah oo lasoo qabtay iyagoo falal basaasnimo ah ka waday wilaayaatka Islaamiga ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Fagaare kuyaal deegaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo ayaa shalay gelinkii dambe lagu ilay illaa 5 ruux oo rag ah kuwaas oo ku eedaysnaa falal basaasnimo ah.

Ragga ladilay ayaa ushaqeynayay sirdoonnada maamullada Jubbaland,dowladda Federaalka iyo Mareykanka sida uu goob fagaare ah ka sheegay qaadiga maxkamadda wilaayada Islaamiga Gedo.

Magacyada eedaysanayaasha ladilay

1-Cabdi maxamed cabdalle "Abuukey" oo 42 sana jiri ah ayaa lagu helay in uu la shaqeynayay maamulka 'Jubbaland' wuxuushaqada ku jiray 4 sano iyo 6 bilood.

2-C/samad C/qaadir Xasan oo 22 sana jir ahaa wuxuu wada shaqeyn lalahaa sirdoonka DF-ka

3-Maxamed Adan Maxamuud oo 31 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Mareykanka isagoo aruurin jiray macluumaadka dagaalyahannda Al Shabaab.

4-Mowliid C/llaahi Cilmi oo 43 sana jir ahaa ayaa lagu helay in uu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

5-Siyaad Muxidiin Cusmaan oo 27 sana jir ah wuxuu la shaqeynayay koox Jawaasiis ah oo ku sugnaa magaalada Baardheere.

Al Shabaab ayaa  labadii bilood ee lasoo dhaafay labaatameeyo qof oo basaasnimo ku eedaysan ku dishay degmooyin ay kamid yihiin Tayeegloow, Kuunyo Barroow, Saakoow,Jilib iyo Bu'aale.

Halkan ka degso xukunka maxkamadda MP3

Related Items

Update cookies preferences