Macallimiin Kenyaan ah oo isaga cararay dhulka Soomaalida NFD [Warbixin].

Wednesday September 06, 2023 - 20:12:16
Liibaan Jeexoow
Kumanaan katirsan dadka Kenyaanka ah ee xoogga lagu dajiyay dhulalka muslimiinta ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan gobolka loo bixiyay waqooyi Bari Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in kororka weerarada Al Shabaab ee dhulka Soomaalida NFD uu sababay in ay mandiqadda isaga firxadaan inta badan shaqaalaha Kenyaanka ah iyo muwaadiniita caadiga ah ee halkaas lagu deegaameeyay.

Boqolaal kamid ah macallimiinta dalka Kenya ee ka shaqeynayay goobaha waxbarashada gaar ahaan iskuullada ay dowladdu gacanta ku hayso ayaa ka cararay gobollo ay kamid yihiin Mandheera,Wajeer iyo Gaarisa sababa laxiriira weerarada Al Shabaab.

Xafiiska guddiga macallimiinta Kenya ee magaalada Nairobi waxaa isugusoo baxay boqolaal macallimiin Baaga muunddo ah kuwaas oo shaqooyinkii ay hayeen kuwaayay weerarada Al Shabaab ee 'waqooyi Bari'.

Warbixin rasmi ah oo soo baxday ayaa lagu sheegay in tobanaan macallin lagu dilay dhulka Soomaalida Kenya islamarkaana macallimiinta qaar ay waxyeellooyin soo gaareen.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa dhowr jeer si bareer ah utoogtay macallimiin Kirishtaan ah oo ka shaqeynayay iskuullada dhulka NFD Kenya.

Tan iyo sanaddii 2011 markii uu ciidanka Kenya si toos ah ugu biiray duullaanka Soomaaliya ayay jihaadiyiinta Al Shabaab iyana weeraro ka billaabeen gobollo ay kamid yihiin Lamu,,NFD,Gaarisa iyo Wajeer.

Related Items

Update cookies preferences