Kooxda Faano oo dagaallo rogaal celisa ku qaaddey Gobolka Axmaarada.

Wednesday September 20, 2023 - 17:38:57
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in malleeshiyada Faano ay weerarro rogaal celis ah ku soo qaaddey deegaannada qoomiyadda Axmaarada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhowr maalmood oo isku xiga ay dagaalladu socdeen isla markaana ay xukuumadda Addis Ababa adeegsatey duqeymo cirka ah.

Dagaallada ugu daran ayaa ka dhacey bariga iyo galbeedka Goojaam ee gobolkaas. War qoraal ah oo ay soo saartey malleeshiyada Faano waxa lagu sheegay in xukuumaddu duqeymo oo loo aabbo yeelin u geysatey dad shacab ah.

Khasaaraha dagaalka weli si rasmi ah looma shaacin laakiin waxa ay dowladdu sheegtay in dhirbaaxo xoog leh lagu dhuftey malleeshiyadii dagaalka soo qaaddey. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in drones-ka xukuumadda Itoobiya ay 16 qof oo shacab ah ku dileen magaalada Dembaja oo ka tirsan Goojaam halka dhaawac kalena uu jiro.

Ugu dambayn waxa beenoobaya war xukuumadda Addis Ababa hore u shaacisey oo ahaa in la soo gaba gabeeyay kooxdii Faano ee gobolka Amxaarada.

Related Items

Update cookies preferences