Fatahaado ku dhuftey Sudaan xilli dagaallo ka socdaan waddankaas.

Wednesday September 27, 2023 - 09:09:10
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo waddanka Suudaan ayaa tibaaxaya in fatahaado hor leh ay ku dhuftren dalkaas xilli ay ka jirto colaad u dhaxaysa Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga RSF.
Ilo wareedyo xukuumadeed ayaa sheegaya in 11 qof ay ku naf waayeen fatahaadaha ka dhacey gobollo ka tirsan waddankaas. Dadka Suudaan gudaheeda ku barakacey sababo la xiriira colaadaha ayaa qiyaastii gaaraya 7.1 milyan oo qof, waana tiradii ugu badneyd abid oo barakacayaal daakhili ah noqdey.

Dhanka kale Hay’adda Bisha Cas ayaa shaacisey in daadadku ay saameeyeen dad kor u dhaafaya 72,000 oo qof halka gobollada khasaaruhu gaarey ay yihiin 7 wilaayadood.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in wilaayada Koonfureed ee Daarfuur ay biyaha roobku qarqiyeen qaybo badan ka mida.

Tirakoob ay samaysay QM waxa uu tilmaamayaa in dadka dalka dibaddiisa u barakey ay ka badan yihiin 5.25 milyan oo qof, halka dadka Suudaan tiradoodu tahay guuda ahaan 49milyan. Dagaallada Sudan ka socdaa oo bilaabmay 15 April ee sannadkan ayaa wali socda isla markaana aanloo helin xal nabadeed.

Related Items

Update cookies preferences