Dagaallo lagu hoobtay oo weli ka socda galbeedka gobolka Sitti.

Thursday June 13, 2024 - 05:33:15
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo dhulka galbeedka gobolka Siti ee ay Itoobiya gumeysato ayaa sheegaya in dagaallo cusubi dhexmareen qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.
Dagaallo lagu riiqmey oo ka dhacey degmada Xoorri ee gobolkaasi ayaa la sheegayaa in Soomaalidu la wareegtay.

Muuqaallo laga soo duubey degmadaas ayaa la arkayey macawisley Soomaali ah oo degmada Xoorri ku sugan. Wararka ayaa intaa ku daraya in degmadan hore looga qabsadey Soomaalida.

Ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in dagaalkii shaley gacanta lagu qabtey maxaabiis dhowr ah. Hore ayaa malleeshiyaadka Canfartu u soo bandhigeen maxaabiis Soomaali ah oo ay gacanta ku dhigeen.

Xukuumadda Xabashida ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin dagaalladan aan macnaha badan ku fadhiyin ee dhexmaraya muslimiinta.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences