Weeraro lagu miray saldhigyada ciidamada ATMIS ee Janaalle iyo Buur Coloow.

Thursday October 12, 2023 - 17:17:41
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan ayaa weeraro culus ku ekeeyay saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha ATMIS.
Xalay saqdii dhexe ayay ciidamada Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhig ay ciidamada Uganda ku leeyihiin deegaanka Janaale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo daryanka rasaas culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

Sidoo kale waxaa weerar culus lagu qaaday saldhigga ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Buur Coloow ee duleedka magaalada Baraawe.

Related Items

Update cookies preferences