Saldhigga ciidanka Mareykanka Ciraaq oo diyaarado Drones ah lagu duqeeyay.

Sunday October 22, 2023 - 18:26:20
Liibaan Jeexoow
Isbuucii 2aad oo xiriir ah qaar kamid ah saldhigyada Mareykanka waxaa ku socda duqeymo culus oo loo adeegsanayo sawaariikhda ridada fog iyo diyaarado Drones ah.
Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay gudaha saldhigga Ceynul Asad ee dhaca gobolka Al-nabaar galbeedka Ciraaq.

Qaraxyada ayaa ka dhashay sawaariikhda culus oo lagu garaacay saldhigga sida lagasoo xigtay saraakiil katirsan xukuumadda dabadhilifka Baqdaad.

Weerarka ayaa la sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan, qalabka raadaarada ee lagula socdo dhaq dhaqaaqyada hawada ayaa ku guuldarraystay in uu bixiyo digniin ah in diyaarad ay saldhigga soo weerarayso.

weerarkan ayaa larumeysanyahay in ay gaysteen maleeshiyaad shiico ah oo taabacsan dowladda Iiraan.

ilo wareedyo lagasoo xigtay saraakiisha American-ka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa sheegaya in laba diyaaradood ay soo weerareen saldhigga islamarkaana hal diyaarad laga hortagay oo dhulka lasoo dhigay balse diyaaradda aad ayaan lasoo ridin iyadoona duqeysay bartilmaameedyadii usahansanaa.

Kooxaha shiicada ah ee ku xiran Iiraan ayaa dhowaan ku goodiyay in ay beegsanayaan saldhigyada Mareykanka mandiqadda bariga dhexe sababa laxiriira taageerada Melleteri ee Mareykanku uu siinayo Yahuudda Xasuuqa ku haysa shacabka Falasdiin

Related Items

Update cookies preferences