Ciidanka Badda Muqaawamada oo weerar culus ku qaaday Yahuudda.

Wednesday October 25, 2023 - 10:38:19
Liibaan Jeexoow
Xoogaga muqaawadamada Falasdiin ayaa weerar halyaynimo ka fuliyay mid kamida deegaannada Yahuudda ladejiyay ee ku dhow magaalada Qaza.
Dagaalyahanno katirsan Cizudiin Alqassaam ayaa xalay fiidkii hore waxay si lama filaan ah uga duseen xeebta deegaanka Zikim kadibna waxay gaareen bartilmaameed ay hiigsanayeen.

Iska hor'imaad culus ayaa ka dhacay duleedka degmada Casqalaan ee Yahuudu maamulaan, afhayeen u hadlay muqaawamada ayaa sheegay in ciidanka badda 'Mujaahidiinta' uu si xirfadaysan ku gaaray Zikim islamarkaana uu halkaas kula dagaallamay cadowga sahyuuniyadda.

Deegaanka Zikim oo ah mid istiraatiiji ah ayaa larumeysanyahay in uu yahay halka ay ciidamada Yahuudda ka geli doonaan magaalada Qaza hadii ay isku dayaan weerar dhanka dhulka ah.

Related Items

Update cookies preferences