Muqaawimada Falastiin oo hor istaagey weerar dhulka ahoo Yuhuuddu ku qaaddey Qaza.

Saturday October 28, 2023 - 18:46:31
Liibaan Jeexoow
Xooggaga Wax Iska Caabbinta Falastiin ayaa ka hortagey weerar dhulka ah oo gumeysiga Yuhuuddu ku soo qaadey Marinka Qaza.
Ciidammada Yuhuudda oo iclaamiyey in ay weerar berriga ah ku ekeeyeen Marinka ayaa kala kulmay iska caabbin xooggan sida wararku sheegayaan.Dhanka kale waxa Yuhuuddu isgaadhsiintii ka jareen Qaza.

Garabka dagaal ee Xamaas ayaa dhankooda sii wada gantaalihii lagu beegsanayey dhulka lagu deegaameeyay cadowga Sahaayinada.

Waxa ay xogaha qaar xusayaan in dagaalka oo socda ay Yuhuuddu sii wadaan beegsigii xaafadaha la deggan yahay. Duqeymaha cadowga ayaa burburiyey ilaa 100 dhisme habeenkii xaley ahaa.

Waxaana kor u kacey tirada shuhadada reer Falastiin. 7703 qof ayaa geeryoodey kuwaas oo ku dhawaad 3kun ay carruur yihiin. Halka dumarka shahiidey ay noqdeen 1709 haween ah. Dhaawacyada ayaa maraya 18,500 halka tirada dadka la la’yahay ay tahay 1659 sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Qaza.

Gumaadka isir sifeynta ah ee loo geysanayo reer Qaza ayaa dhacaya xilli ay xukaamta muslimiintu daawanayaan halaagga ka socda Marinka.

Related Items

Update cookies preferences