Maamulka Yahuudda oo xaqiijiyay in askar badan looga laayay magaalada Qaza.

Wednesday November 01, 2023 - 12:01:08
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ciidanka Yahuudda kasoo gaaray dagaallo culus oo ka dhacay gudaha magaalada Qaza ee dalka Falasdiin.
Xoogaga muqaawamada ayaa khasaara culus dhabarka usaariyay ciidamada Sahyuuniyadda oo isku dayay in ay gudaha usoo galaan jidda Qaza.

Saraakiisha waxiska caabinta ayaa kusoo warramay in shalay ay dhabarka ka jebiyeen ciidamada sahaayinada islamarkaana ay ka gubeen 22 kamid ah gaadiidka gaashaaman ee casriga ah.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca Yahuudda ayaa xaqiijisay in shalay oo kaliya dagaalka Qaza looga dilay illaa 16 askari islamarkaana tobanaan kale laga dhaawacay.

Dagaalka dhulka ee Qaza ka socda ayay Muqaawamada Falasdiin sheegeen in uu yahay midka kaliya ee ay uga aargudan karaan ciidamada Yahuudda ee xasuuqa ku haya shacabka muslimiinta Falasdiin.

Related Items

Update cookies preferences