Ciidamo Yahuud ah oo lagu laayay Qaza iyo deegaanno katirsan Daanta galbeed ee Falasdiin.

Thursday November 02, 2023 - 12:11:43
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa dhabarka loo saaray ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda kadib dagaallo culus oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Qaza ee dhulalka Falasdiin.
Xoogaga wax iska caabinta ayaa weearar jidgal ah iyo sawaariikh ay laheleen gaadiidka  gaashaaman ee cadowga waxay ku dileen wax ka badan 25 askari Yahuud ah.

Wasaaradda difaaca ee waxa loogu yeero Israa'iil waxay qirtay in 18 askari laga dilay saacadihii lasoo dhaafay.

Weeraro kale oo ka dhacay agagaarka Talaabiib iyo deegaannada Daanta Galbeed ayaa sababay dhimashada 4 askari arrinkaas oo dhimashada guud ee ciidanka Yahuuda ka dhigaya saacado kooban gudahood wax kabadan 24 askari.

Dhinaca kale duqeymaha cadowtooyo ee Yahuuddu ay ka geysanayaan magaalada go'doonsan ee Qaza ayaa sababay in ay shahiidaan 8800 oo ruux.

Shacabka Falasdiiniyiinta ayaa si aan kala har laheyn uga qeyb qaadanaya howlgalka duufaanta Al-aqsaa, tirakoobyadii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka ku shahiiday weerarada ciidanka Yahuudda ee Daantagalbeed ay gaareen 340.

Inkastoo awood ahaan aysan isku dhigmin Yahuudda oo reergalbeedku taageerayo iyo muslimiinta Falasdiin ee go'doonsan hadane waxay gaareen guulweyn oo ah in aysan tanaasulin islamarkaana ay weeraro joogta ah ku hayaan cadowga sahaayinada.

Related Items

Update cookies preferences