Somaliland: halkii maalin dagaalka waxa nagaga bixi jirey hal ilaa 2milyan oo doollar.

Saturday November 04, 2023 - 10:21:20
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Maaliyadda maamulka la baxey Somaliland ayaa sheegay in halkii maalin ee dagaal ka dhaco Goojacadde ay kaga bixi jirtey lacag dhan inta u dhaxaysa hal ilaa laba milyan oo doollar.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa hadalkan ka dhawaajiyey ka dib mar ay su’aalo weydiiyeen Guddida DabagalkaBaarlamaanka Somaliland.

"Sannadkan 2023 waxyaabo badan oo aynaan oddorosin oo aynaan filaynin ayaa inagaga yimid taas oo ay kamid tahay xaaladdii barigu. Intii Goojacadde la joogey maalin-dagaal walba waxa laga yaabaa in ay ku baxdey hal milyan ilaa 2milyan” ayuu yiri Wasiir Sacad.

Wasiirka ayaa sidoo kale tibaaxey in aan ilaa hadda wax jawaab ah loo haynin wixii ka dhacey 25 Ogost saldhiggii ugu weynaa maamulka ee Goojacadde.

Dhanka kale waxa uu jabkii soo gaarey ciidankooda ku misaaliyey kii 7-dii October loo geystey Israel oo aaney cidina sii qorshaynin in sidaa fudud looga gudbi doono fadhiisimahoodii.

W/Q Warsame Warfaa


Related Items

Update cookies preferences