'Somaliland' oo walaac ka muujisey ku biiridda DF ee ururka EAC.

Monday November 27, 2023 - 12:16:45
Idriis Ali
Maamulka la baxey Somaliland ayaa walaac ka muujiyey ka mid noqoshada Dowladda Federaalka ee ururka EAC.
Ururkaan oo xukuumadda Xasan Sheekh sheegtay in la iska kaashan doonno arrimaha dhaqaallaha iyo ganacsiga.

Wasaaradda Dibedda ‘Somaliland’ oo war qoraal ah ka soo saartey arrintan ayaa sheegtay in ku biiridda DF Somalia ee ururka AEC uu khatar ku yahay madaxbanaannida Somaliland. Qoraalkan ayaa lagu xusey in Somaliland madaxbanaanida ka qaadatey gumeystihii Ingiriiska 26 June, 1960-kii halka Somalia ay xornimada qaadatey 1 July, 1960.

Maamulkan ayaa dhanka kale baaq u direy kuwa loogu yeero Qaramada Midoobey, Ururka Isutagga Afrika iyo AEC in ay ixtiraamaan madaxbannaanidiida oo ay la soo noqdeen sida ay sheegeen 18 May, 1991.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences