Maamullada 'Koonfur Galbeed' iyo 'Jubbaland' oo walaac ka muujiyay bixitaanka ciidanka Xabashida Itoobiya ee Soomaaliya.

Thursday June 06, 2024 - 10:29:39
Liibaan Jeexoow
Maamulka loogu yeero Jubbaland ayaa ka soo horjeestay go'aankii xukuumadda Federaalku Soomaaliya kaga saareysay Itoobiya dhammaadka sannadkan.
Madaxweyne xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo warbaahinta Mareykanka ee VOA la hadley waxa uu sheegay in bixitaanka Ciidamada Itoobiya keliya ay dan u tahay Ururka Islaamiga ah ee Alshabaab. Waxa aanu intaa ku darey in aan go’aanka Dawladda Federaalku ahayn mid ay isku raacsan yihiin saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya.

Hore waxa go’aanka bixtaanka ee uu ka dhawaajiyey la taliyaha amniga Xasan Gurguurte uga soo horjeestay maamulka Koonfurgalbeed, iyaga oo ku tilmaamey Xabashida Itoobiya kuwo nabad ilaalin u jooga Somalia.

Maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira geyiga Soomaaliyeed waxa sannadkan cusub mid waliba uu taariikhda ka galey bog cusub. Somaliland waxa ay bixisey qayb kamida badda Soomaaliya, iyada oo xiisadda labada maamul ee Addis Ababa iyo Muqdisho kacsan tahay waxa Addis Ababa ka degay wasiirka maaliyadda maamulka la baxey Puntland oo heshiis cusub la soo saxiixday Ethiopia.

Maamullada Koonfurgalbeed iyo Jubbaland-na waxay toos u taageereen ciidamada gumeyataha ee shisheeye in ay joogaan Soomaaliya.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences