Afar Shirkado Reergalbeed ah oo la ogaaday in loo xiray ganacsiga hubka Soomaaliya [Warbixin].

Tuesday December 05, 2023 - 19:24:53
Idriis Ali
Jimcihii lasoo dhaafay waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa qaadday xayiraaddii hubka ee saarneed Soomaaliya 32kii sano ee lasoo dhaafay.
Tallaabada lagu qaaday cunaqabateynta hubka Soomaaliya waxaa kasoo shaqeeyay dowlado reergalbeed ah oo masaalix dhaqaale ka leh Soomaaliya.

Warbixinno soo baxay ayaa xaqiijinaya in dowladda Ingiriiska oo gacanta ku haysa malafaatka arrimaha diblumaasiyadda Soomaaliya ay dowladaha waaweyn ee xubnaha ka ah golaha ammaanka Q.Midoobay ku cadaadisay in ay meel mariyaan qaraarkii cunaqabateynta hubka.

Ujeedada ayaa aheyd in qandaraaska soo dejinta hubka ah lasiiyo illaa 4 shirkadood oo laga leeyahay wadamada reergalbeedka kuwaas oo loo xiray soo dejinta hubka Soomaaliya.

Shirkadahan waxaa maamulaya dowladda Ingiriiska wuxuuna Xasan Sheekh u saxiixay in ay hub kasoo waaridaan caalamka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka hubkaas oo qaab ganacsi ah loosoo gelin doono Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan Xasan Gurguurte iyo saaxiibadiis ayaa iyana saami ku yeelanaya mid kamida shirkadahan loo xirayo soo dejinta hubka, Xasan Sheekh ayaa durbadiiba qorsheeye in uu sameysto shirkad amni oo leh maleeshiyaad calooshood ushaqeystayaal ah.

"Dowladda UK tallaabta ay Q.Midoobay ka gadday ma ahan cunaqabateyntii hubka soomaaliya oo si dhammeystiran loo qaaday tani waa in Cirtoogtihii hubka Soomaaliya la caalamiyaynayo"ayaa lagu yiri warbixinta.

Saraakiil katirsan Villa Somalia oo ugogol xaarayay mashruucan ayaa laba bil ka hor qortay ku dhowaad 400 maleeshiyaad calooshood ushaqeystayaal ah oo kasoo jeeda beesha Xasan Gurguurte, maleeshiyaadkan oo tababarro uga socdaan xerada Balidoogle ayaa bud dhig unoqon doono shirkad amni oo Xasan Sheekh ugaar ah.

Cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo lasoo rogay sanaddii 1992-dii ayaa larumeysanyahay in aysan wax weyn katarin qulqulka hubka ee dalka balse iyadoo ay soo dhowaatay bixitaanka ciidamada ATMIS ayay reergalbeedku doonayaan in ay dhaqaale kasameeyaan soo dhoofinta hubka iyo warshadaha hubka reer Yurub ay suuq uga helaan dalkan ay dagaalladu daashadeen ee dhaca geeska Afrika.

Related Items

Update cookies preferences