Maxay Warbaahinta Xabashida Itoobiya ka tiri heshiiskii dhaxmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi?.

Tuesday January 02, 2024 - 18:37:20
Idriis Ali
Waxa maalintii shaley soo shaac baxey heshiiska MOU-ga ah (Memorandum Of Understanding) ee Somaliland la saxeexatey Ethiopia.
Heshiiskan oo ah isfahan ama is afgarad ayaa badanaaba hordhac u ah heshiis dhab ah oo waara waa haddii Golayaasha Baarlamaanka ee waddanka lala saxeexanayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan.

Haddaba heshiiskan oo sida uu Muuse Biixi sheegay uu ku beddeshay ictiraaf waxa uu dhigayaa 50 sano oo kiro ah, inkasta oo aan la helin qodobbadii lagu heshiiyey aan ka ahayn in uu Muuse Biixi carrabaabey aqoonsiga Somaliland.

Haddaba Wargeys kamida kuwa ugu caansan ee laga leeyahay dhanka Itoobiya oo lagu magacaabo Addis Standard ayaa qorey in Somaliland lakala doorransiiyey in ay saami ka hesho Shirkadda Isgaarsiinta Ethiopian Telecom ama Shirkadda Duullimaadyada Ethiopian Airline.

Wargeysku waxa uu intaa ku darey in Somaliland si cad u sheegtay qaadashada Itoobiya ee badda halka aaney Itoobiya xusin wax ictiraaf ah.

 La taliyaha Amniga ee Abiya Axmed oo lagu magacaabo Ridwaan Xuseen waxa uu dhankiisa xusey in keliya Somaliland ay u taallo kala doorashada saami laga siiyo labada shirkadood midkood.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences