Cabdirashiid Janan oo lagu la'yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Monday January 15, 2024 - 17:48:35
Idriis Ali
Hubanti la'aan ayaa ka taagan xaaladda uu ku suganyahay Cabdirashiid Ina Koreey oo loo yaqaan (Cabdirshiid Janan) kaasi oo kamid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ciidamada Xabashida kusoo hoggaamiyay dalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah ehellada Cabdirashiid Janan ayaa warbaahinta usheegay in lagu dilay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya balse majirto cid xaqiijin karto sheegashadiisa.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Janan muddo dhowr isbuuc ah lagu la'yahay Nairobi waxaana larumeysanyahay in ay ciidanka sirdoonkan Kenya ay kala baxeen Hotel uu deganaa.

Siyaasigan dabadhilifka ah ayaa lasoo shaqeeyay sirdoonnada Itoobiya iyo Kenya, mar isagoo ah wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa ugoostay dhanka dowladda Farmaajo balse sanad kadib ayuu Farmaajo mucaaraday wuxuuna lasaftay xukuumaddii RW Rooble.

Sanad iyo bar ayuu ku sugnaa gobolka Gedo halkaas oo uu ku abaabulayay maleeshiyaad hubaysan si uu uwajaho maamulka Axmed Madoobe ee hadda maamula degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Janan ayaa ah dagaal ooge xasuuq ugeystay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo isagoo u adeegya Xabashida Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences