Dowladda Itoobiya oo si kulul uga jawaabtay warkii kasoo yeeray madaxweynaha Masar.

Monday January 22, 2024 - 08:42:29
Idriis Ali
Lataliyaha ammaanka ee Abiy Axmed
Lataliyaha ammaanka ee Abiy Axmed
Redwaan Xuseen oo ah lataliyaha ammaanka ee Abiy Axmed ayaa si kulul uga jawaabay warkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Masar ee ku saabsanaa khilaafka badda.
Dowladda Itoobiya waxay dhaleecaysay hadallada madaxda Masar ee ka dhanka ah heshiiskii ay wada saxiixdeen Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed kaasi oo bad lagusiiyay dowladda Xabashida.

Qoraallo dhowr ah oo lataliyaha Abiy Axmed uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu uga falceliyay shirkii jaraa'id ee ay wada qabteen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax Alsiisi.

"Xaqiiqadu waxa ay tahay in kuwo aan Soomaali wax tarin ay isu muujinayaan saaxiib dhab ah - waxa aan jeclaan lahayn in wada-hadal aan la yeelano dhammaan deriskeenna, si aan u noqonno shuraako isdhexgal iyo horumar wada gaadha" ayuu yiri lataliyaha Abiy Axmed oo ujawaabayay madaxweynaha Masar.

Dhinaca kale xukuumadda Addis Ababa waxay ka shanqarisay in kumanaanka askari Itoobiyaanka ah ee ay Al Shabaab ku dilayaan Soomaaliya uusan macno darro aheyn oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan biyaha Soomaaliya.

"Dhiiggii iyo dheecaankii wiilasheenna & gabdheheenna ayaan u hurnay amniga Soomaaliya, keliya ma nihin deris ee Itoobiya intaas oo naf hurnimo ah ayay soomaaliya usameynaysaa" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Marka la eego wararka isdaba joogga ah ee madaxa Itoobiya kasoo saarayaan arrimaha Soomaaliya waxay umuuqdaan in Xabashidu aysan dib uga laaban doonin heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay lasaxiixdeen Muuse Biixi.

Related Items

Update cookies preferences