Kumuu ahaa Col.Max'med Mubaarah Madaxii howlgallada Imaaraatka ee Soomaaliya lagu dilay [Warbixin].

Monday February 12, 2024 - 17:34:20
Liibaan Jeexoow
Weerarkii sida aadka ah loosoo qorsheeyay ee habeenkii hore saldhigga jeneraal Goorden ee magaalada Muqdisho natiijadii ka dhalatay ee aheyd in lalaayo madaxyaweyntii dabadhilifyada dowladda imaaratka carabta ayaa si aad ah looga hadal hayaa caalamka islaamka.
Imaaraatku ma aheyn oo kaliya in uu ahaa gacantii ka dambeysay dib loosoo laabashada xasan gurguurte ee waa dowlad camiil ah oo caan ku ah ladagaallanka islaamka iyo ehelkiisa.

Shucuubta muslimiinta ee ku dhaqan qaar kamid ah wadamada caalamka islaamka ayaa si diirran usoo dhoweeyay camaliyadaas barakeysan ee Jihaadiyiinta soomaaliya ay ku ciqaabeen qaar kamid ah saraakiishii ugu sharta badneed dabadhilifyada imaaraadka Carabta.

Waxaa si aad ah loo falanqeeyay col.Maxamed Mubaarak Mansuuri oo ahaa taliyihii ciidanka imaaraatka ee wadamada Yemen iyo Soomaaliya.
,Masnuuri ayaa looga taariikheeyay baraha bulshada.

Falaqeeye udhashay dalka Yemen ayaa isdultaag kooban ku sameeyay acmaashii dhagarta ahaa ee ninkan uu ka geystay dalka Yemen isagoo sheegay in uu ahaa mujrim dagaal ooge ah kaasi oo xasuuqay muslimiin aan hubaysneyn.

Ugu horrayn wuxuu sheegay in Col,mubaarak isagoo ah madaxa howlgallada imaaraatka ee dalka Yemen uu hoggaamiyay duullaankii ballaarnaa ee lagu qaaday jaziiradda Soqadra, waa ninkii mas'uulka ka ahaa in imaaraatku uu saldhig istiraatiiji ay ka dhigto dalka Yemen, waa noo ninkii ay maskaxdiisa kasoo maaxatay in dadka deegaanka Soqadra ee Yemen lasiiyo dhalashada imaaraatka si ay unoqdaan muwaadiniin ugumaysan abuu dhabi, col-ka lagu halagay soomaaliya ayaa sidoo kale soo allifay siyaasadda bahalnimada leh ee ah in qof walba oo kamid ah shacabka Yemen ee kasoo horjeesta mashruuca dhalasha siinta imaaraatka dhega dhiigga loodaro ficil ahaana sidaas ayuu sameeyay.

Ninkan oo Maxamed Bin Zaayad wakiil uga ahaa howlgallada Yemen iyo Soomaaliya ayaa maleeshiyaadkiisa calooshood ushaqeystayaasha ah amray in ay kufsi wadareed jamaaci ah kula dhaqaaqaan dumarka cafiifaatka yemen ee ku dhaqan gobollada caden,laxaj,abyen iyo xadramuut si raggooda loodullaysto looguna qasbo in ay jawaasiis cumala ah noqdaan.

dhacdyooinka murugada leh ee saraakiishii lagu laayay muqdisho ay yemen ka geysteen waxaa kamid ah in calooshood ushaqeystayaal udhashay dalalka jameyko,boliifiya iyo baanama ay soo shaqaalaysiiyeen ayna yemen geeyeen waxayna u adeegsanayeen in lagu tacdiibiyo maxaabiista muslimiinta.

Falalka laga argagaxo ee xabsiyada yemen ee imaaraatku maamulo lagasoo wariyay waxaa kamid ah in maxaabiis dumar ah raggooda lagu hor kufsaday,wiilal dhalinyara ah sidaas oo kale waalidkooda hortooda lagula xadgududbay.

hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa bilo ka hor dambiyo kuwaan ka daran kasoo diiwaan geliyay xabsiyada imaaratka ee kuyaal koonfurta yemen oo uu gacanta ku hayay dabadhilifkii Muqdisho lagu dilay ee Col.maxamed Mubaarak.

Goor dambe oo xalay ah ayuu imaaraatku ku dhawaaqay in uu ka dhintay sarkaalkii 5aad oo lagusoo dhaawacmay camaliyaddii barakeysneed ee Muqdisho ka dhacay.

Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka dowladda imaaraatka carabta iyo culimaa'usuugooda khawanada ah ayaa askartii soomaaliya looga laayay ku tilmaamay shuhado balse waxaa arrinkaas si aan caadi aheyn uga jawaab celiyay dhalinyarada muslimiinta carabta ee baraha bulshada isticmaalka.
waxay keydka kalasoo baxeen Yuusuf alcuteyba safiirkii imaaraatka ee dalka Mareykanka oo ku faanaya in dowladdiisu ay lagooni tahay arrin uu taariikhi ku sheegay taas oo ah in ay 25 isbaheysi kala qeyb galeen mareykanka dhammaantoodna waa duullaano lagu qaaday caalamka islaamka isagoo tusaale usoo qaatay ka qeyb qadashadii imaaraatka ee duullanadii Afghanistan,Somalia,Koosafo, Liibiya iyo Yemen.

Weerarkan ka dhacay xerada Goorden ee magaalada Muqdisho ee uu fuliyay halyayga mujaahidka ah Mustafa Mukhtaar Aadan ayaa shaafiyay quluubta muslimiinta geeska afrika iyo kuwa ku dhaqan dhulka Jazeeradda carabta oo ay Yemen ugu horrayso.

Related Items

Update cookies preferences