Mareykanka oo sheegay in uu shan saldhig oo cusub ka furayo Somalia.

Saturday February 17, 2024 - 12:43:36
Liibaan Jeexoow
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in saldhigyo millateri ay ka furanayso Soomaaliya kuwaas oo ay ku taageerayso Ciidanka Dowladda Federaalka ee mooraalkoodu liito. Mashruucan ayaa sida ay ka dhawaajiyeen loogu talo galey xoojinta Ciidanka Somalia iyo la dagaallanka 'Argagixisada'.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalinnimadii Khamiistii Muqdisho ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) oo dhexmarey Mareykanka iyo DF.
Heshiiskan ayaa imanaya xilli ciidammada loogu yeero Nabad Ilaalintu ay isaga hulleelayaan Soomaaliya ka dib 15sano oo ay gumaad ku hayeen shacabka Soomaaliya.

Saldhigyadan cusub waxa lagu wareejinayaa sida ay warbixinuhu tibaxaayaan Ciidammada Danab ee la aas aasey 2017. Mareykanku waxa uu u ballanqaadey DF in uu qalab iyo tobabbar ciidanba siin doon ilaa 3000 oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

Qaadashada ciidankan cusub ayaan waxba ku soo kordhin doonin la dagaallanka Jihaadiyiinta kuwaas oo dowlado badani ay waxba ka qaban kari waayeen sannadihii ina dhaafey. Ciidanka ATMIS oo kor u dhaafayey 20,000 oo askari waxa maandheytkoodu ku egyahay December 2024.

Cabsida laga qabo ciidanka AS waxa ay sii korodhey ka dib markii maamulka Somaliland heshiis is afgarad la sexiixdey Itoobiya taas oo keentay in Mareykanku walaac ka muujiyo.
 

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences