Muuse Biixi oo Xasan Gurguurte ku eedeeyay in dilkii Cabdinaasir Dahable.

Monday February 26, 2024 - 16:00:32
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa eedayn kulul ujeediyay Xasan Gurguurte oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa si kulul udhaleeceeyay dilalka isdaba joogga ah ee magaalada Muqdisho loogu geysanayo saraakiisha kasoo jeeda gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya.

Wuxuu dowladda Xasan Gurguurte ku eedeeyay in ay wax ka ogeed dilkii Cabdinaasir Dahable oo ahaa sarkaal katirsan hay'adda duulimaadyada DF-ka "Dawladda Xasan Sheekh waxaan ka dooneynaa, ninkani muxuu muteystay, maxaa loo dilay, taas oo jawaabteeda la helo mooyaane, haddii la waayana, waxay ila tahay waa bareer” ayuu yiri Biixi.

Dkhatarka guud ee isbitaalka Hargeysa ayaa warbixin ku sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen meydka Cabdinaasir ay ku ogaadeen in lagu dilay xarig qoorta looga ceejiyay islamarkaana jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo xooggan.

Sirdoonka maamulka 'Somaliland' ayaa horay ugu eedeeyay NISA in ay soo maleegtay dilkii lagula kacay Cabdinaasir Muuse Dahable.

Related Items

Update cookies preferences