Xukuumadda Amxaarada oo xaqiijisay in ciidanka Jabhadda Faano ay ka dagaallamayaan guaha Bahir Dar.

Saturday March 02, 2024 - 12:00:53
Liibaan Jeexoow
Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada Bahir Dar oo ah caasimadda ismaamulka Amhara ee wadanka Itoobiya.
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Faano ay markale gudaha ugaleen caasimadda halkaas oo ay dagaallo culus uga jiraan.

Xukuumadda Amahara ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in kooxo ay ugu yeertay argagaxiso ay gudaha magaalada soo galeen balse ay weeraro culus kala kulmayaan ciidamada ismaamulka iyo kuwa Federaaliga ah.

"Ciidamada Federaaliga iyo kuwa amniga ayaa si wadajir ah uga qeyb qaadanaya holwgal gurguri ah oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka xagjirla ah ee sida xaluulashada ah kusoo galay Bahir Dar"ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ismaamulka Amhara.

Madaxweynaha ismaamulka Amxaarada ayaa gelinkii dambe ee maalintii jimcaha ku faanay in ay maleeshiyaadka Faano ku qasbeen dib ugurasho balse weli wax war ah kamasoo bixin dhanka mucaaradka hubaysan.

Waa markii ugu horraysay oo ay ciidamada kooxda Faano usuurtagasho in ay ugudaha usoo galaan magaalada Bahir Dar oo caasimad u ah islaamulka Amhara.

Kooxda Faano oo ay ku midaysanyihiin inta badan maleeshiyaadka Amxaarada ee diiddan nidaamka Abiy Axmed ayaan laheyn hoggaan isku xiran sida uu sheegay machadka Rift Valley Institute.

Maleeshiyaadkan waxay leeyihiin cudud ciidan oo halis gelin karta dowladda Itoobiya balse maheystaan hoggaan siyaasadeed iyo mid dhexe arrinkaas oo ka dhigaya kuwa ka jilicsan kooxda TPLF ee dagaalkii lagu hoobtay lagashay dowladda Federaaliga Xabashida.

Related Items

Update cookies preferences