Koox Jawaasiis ah oo lagu dilay deegaan katirsan gobolka Gedo.

Saturday March 02, 2024 - 19:38:34
Liibaan Jeexoow
Dhaq dhaqaaqa jihaadiga ah ee Al Shabaab ayaa markale si jamaaci ah udilay rag lagu helay in ay ubasaasayeen sirdoonno shisheeye iyo kuwa maxalli ah.
Fagaare kuyaal deegaanka ilbeete oo hoostaga degmada Baardheere ayaa lagu dilay afar Nin oo katirsanaa Jawaasiista Maraykanka iyo maamulka Koonfur galbeed kuwaasi oo kala ahaa.

Bashiir Xasan Cabdi oo loo yaqaanno Qudaama 39 sano jir ah kana tirsanaa jawaasiista Maraykanka

Cabdsi Cusmaan Rooble oo loo yaqaanay Cabdi Gaabow 32 sano jir ahaa kana tirsanaa sirdoonka koonfur galbeed

Cali Bakar Cusmaan 37 sano jir ahaa kana tirsanaa jawaasiista Maraykanka

Maxamed Cali Maxcamed oo loo yaqaanno Maxamed Amiin 26 sano jir ahaa kana tirsanaa jawaasiista maamulka Koonfur galbeed.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ee xukunka Ridday ayaa goob fagaare ah ka akhriyay xukunka eedaysanayaan wuxuuna sheegay in dhammmaantood ay qirteen dembiyadii lagusoo oogay

Related Items

Update cookies preferences